Madaxweyne Gaas oo xariga kaga jaray saldhiga booliska Gaalkacyo

Gaalkacyo |QOL | Agoosto 18, 2015 | Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa manta xarigga ka jaray saldhig boolis oo laga furay degmada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Xafladaan xarig furitaanka saldhigan oo dib u habeyn lagu sameeyay ayaa waxaa Madaxweyne Gaas ku wehliyay Gudoomiye ku xigeenka Gobalka Mudug Axmed Muuse Nuur , Taliyaha Ciidanka Booliiska Puntland Gen : Cabdirisaaq Afguduud , Saraakiil katirsan ciidanka Booliska Puntland iyo masuuliyiin kale ee kala socday qeybaha kala duwan ee bulshada kudhaqan Gobolka mudug iyo maamulka Puntland.

Xafladda xarig jaridda saladhigan cusub kadib ayaa madaxweyne Gaas kula dardaarmay saaraakiisha iyo madaxda gobolka iyo kuwad degmadaba inay ilaaliyaan nidaamka iyo sharciyada booliska uguna adeegaan bulshada ku dhaqan degmada iyo gobolka si sinaan iyo cadaadal ay ku dheehan tahay.

saldhig-boolis-gaalkacyo-8saldhig-boolis-gaalkacyo-7 saldhig-boolis-gaalkacyo-1 saldhig-boolis-gaalkacyo-2 saldhig-boolis-gaalkacyo-4 saldhig-boolis-gaalkacyo-3 saldhig-boolis-gaalkacyo-6 saldhig-boolis-gaalkacyo-5

Author: QOL Editor
Is the Editor-in-Chief who oversees the functionality and evaluates website performance, checks the publications and reviewing the content, such as articles, photographs, development strategies and style guidelines.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *