Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Toronto, Canada
Sebtember 11, 2015
Ku: Xubnaha ka tirsan Golaha Wasiirada iyo Baarlamaanka Federaalka ee booqashada ku jooga Toronto
Ku: Gudiga Arimaha Bulshada ee Baarlamaanka FederaalkaSoomaaliya
Ku: Wasiirka Arimaha Gudaha ee Dawlada Federaalka Soomaaliya
Ku: Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya
Og: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya
Og: Ra’iisul Wasaaraha Dawladda Federaalka ee Soomaaliya
Og: Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya
Og: Maamul Goboleedyada Soomaaliya
Og: Ururada Bulshada Rayidka
Og: Dhamaan Umadda Soomaaliyeed
Ujeedo: Talo soo jeedin ku saabsan Qabyo Qoraalka Koowaad ee Hindise Sharciyeedka Jinsiyadda Soomaalida.
Mudanayaal iyo Marwooyin,
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Toronto, Canada oo ah hooyada Jaaliyaddaha Waqooyiga Ameerika ayaa waxay u tahay sharaf iyo fursad qaali ah oo aanu kula hadalno Gudiga ka socda Baarlamaanka iyo Golaha Wasiirada Dawlada Federaalka oo noogu yimid Toronto, una soo gudbino talooyinkeena ku saabsan ujeedada kor ku xusan. Aad baan u soo dhaweyneynaa imaanshaha wafdiga noo yimid iyo wada tashiga aanu wadagalnay.
Calaamadaha Qaran lagu garto waa inuu leeyahay dad, xad iyo gobanimo (sovereign). Qaran aan dad lahayn ma jiro. Sharciyada Jinsiyaddu iyo Socdaalku waxay la jaan qaadaan danta dhaqaale, bulsho, amni iyo siyaasadeed ee dal kasta leeyahay.
Anagoo garawsan muhiimada socdaalka wafdiga oo ku saabsan Hindise Sharciyeedka Jinsiyadda oo muhiim ah ayaa Jaaliyadda Toronto waxay yeelatay wadahadal ama dood ayada dhexdeeda ah, ugu dambeyntiina ay isla garteen talo soo jeedinta hoos ku qoran:
Anagoo qirsan marxaladaha adag ee lagu shaqeeyo baa hadana jaaliyaddu waxay aaminsantahay in Xukuumada iyo Baarlamaanka ay horyaalaan howlo ka muhiimsan Sharciga Jinsiyadda oo aad u culus oo ay ka mid yihiin dib u heshiisiin buuxda, amniga, dhameystirka dastuurka, meel marinta dimoqoraadiyeenta, in nidaamka federaalka la dhiso, dhisida heykal dawladeed oo sal leh, kalsooni abuuris ayada iyo shacabkeeda, dhisida kaabayaasha dhaqaale, dhisid ciidan qaran, meel marinta doorasho dadban 2016, abuuris xasilooni siyaasadeed, sharci sareynta, la dagaalanka musuqmaasuqa iyo cadaalad darada.
Ugu dambeyn waxaan ka codsaneynaa Gudiga Arimaha Bulshada ee Baarlamaanka, Wasaarada Arimaha Gudaha iyo dhamaan xildhibaanada Soomaaliyeed in la joojiyo Hindise Sharciyeedka Jinsiyadda laguna dhaqmo Sharciga Jinsiyadda ee namberkiisu yahay 28, Datuurkii 1960 iyo kan Qabyo Qoraalka.
Waad Mahadsantihiin,
Gudiga Jaaliyadda Toronto ee Qoraalka
