Isku aadkii koobka UEFA Champions League oo la sameeyay

Muqdisho | Maarso 17, 2017 –  Qori tuurka ama Isku aadka koobka horyaalada Yurub ee UEFA Champions League ayaa daqiiqad ka hor la sameeyay waxaana sidii la filayay isku dhacay oo qoorta iskula jira kooxo waa weyn oo xarash isku haayo ama isku dhaarsan .

Koobka UEFA Champions League oo ay iskugu soo hareen 8-kooxood oo kaliyah ayaa waxa ay kooxaha iskugu dhaceen qaabkaan : Fc Bayern München Vs Real Madrid , Juventus Vs Fc Barcelona , Borussia Dortmund Vs As Monaco , Atletico Madrid Vs Leicester City .

Kulamada koobkaan ayaa la kala ciyaari doonaa 11-ka & 12-ka bisha Apriil iyo 18-ka & 19-ka isla bisha dambe ee April 2017 . Fiinaalka koobkaan ayaa ka dhici doona 3-da bisha Juun ee sanadkaan magaalada Cardiff ee caasimada dalka Wales .

.

.

_________________________

 

Author: Muse Hassan
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho __________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *