Nabadoon Dalbaday In Lasiidaayo Ganacsade Ku xiran Dalka keenya

Muqdisho | April 12, 2017 –Nabadoon Axmed Xuseen oo ka mid ah waxgaradka Soomaaliyeed ayaaugu baaqay in dowladda Kenya inay sii deyso Ganacsade Cali Xuseen Cali oo dhowaan ciidamada Kenya ay xabsiga dhigeen.

Nabadoonka ayaa sheegay in si sharci darro lagu heysto Ganacsadahan, isla markaana lagu soo eedeeyay arrimo uusan ku lug laheyn oo ah inuu ka tirsan yahay Kooxda Daacish.

Waxaa uu sheegay in Ganacsade Cali Xuseen Cali uu yahay nin ganacsigiisu ku baahay dhulka Soomaalida, si weyn loo yaqaano, lana doonayo in hantidiisa lagu baneysto eedeymo aan sal iyo raad laheyn.

Sidoo kale Nabadoonka ayaa ka codsaday dowladda Federaalka inay wax ka qabato arrintan, kalana hadasho dowladda Kenya, sidii loo sii deyn lahaa, maadaama uusan ku lug laheyn falka lagu eedeynayo ee ah kooxaha argagixisada.

Ciidamada Kenya ee Gobolka waqooyi bari waxay Ganacsade Cali Xuseen Cali u taxaabeen xabsiga, iyagoo ku eedeeyay inuu xiriir la leeyahay Daacish, isla markaana ka shaqeeyo kooxaha wax tahriibiya..

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *