DHAGEYSO:Maxkamada Ciidanka Qalabka Sida oo xukun ku riday rag lagu soo qabtay Waxyaabaha Qarxa

Muqdisho | April 13, 2017 –Maxkamada Ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya ayaa xukuno ku riday rag laga soo qabtay Gobolka Galgaduud kuwaasoo gacanta lagu soo dhigay iyaga oo wata Gaari ay saaran yihiin Waxyaabaha Qarxa.

Maxkamada Darajada Koowaad ee Ciidanka Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa xukuno ku riday Maxamed Cali Kadiye iyo Xuseen Xaashi C/llaahi oo laga soo qabtay deegaanka Godinlabe ee Gobolka Galgaduud.

Halkan ka dhagayso

 

Gudoomiyaha Maxkamada Darajada Koowaad ee Ciidanka qalabka sida Gaashaanle Xasan Cali Shuute  ayaa sheegay in markii ay arkeen qiraalka eedeysanayaasha iyo Marqaatiyaasha Maxkamada la horkeenay iney Maxkamada u cadaatay in Ragani ay yihiin danbiilayaal galay danbigii lagu soo oogay waxayna Maxkamadu ku xukuntay min 10 Sano oo Xarig ah.

1

3

 

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *