Sawiro:-Ciidanka Asluubta Oo Loogu Deeqay Qalab Ciidan

Muqdiaho | QOL | September 30, 2017 –Ciidanka dowladda Talyaaniga ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Yurub ee ka howlgala Soomaaliya ayaa maanta qalab ciidan waxa ay ku wareejiyeen Taliska ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho.

Qalabkan ayaa waxaa ka mid ah jaakadaha xabadda celiya ee loo yaqaano Bullet Proof, tuutaha ciidanka, dhanka isboortiga iyo waxyaabo kale, waxaana lagu wareejiyay taliye ku xigeenka labaad ee ciidanka Asluubta Soomaaliyeed sareeyo guuto Cilmi Waasuge Colow iyo saraakiil kale.

Saraakiisha Talyaaniga ee maanta deeqda ku wareejiyay ciidanka Asluubta ayaa waxaa ka socdeen hey’add caawisa dalalka dagaalada ka soo kabaneya.

xx1 xxx22 xxxx00

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *