Guddiga dib u eegista dastuurka ee Baarlamaanka oo ka horyimid shirka arrimaha Dastuurka

Muqdisho  | QOL |  07 Oktoobar, 2017 – Guddiga Madaxa Banaan Ee Dib u Eegista Dastuurka iyo Guddiga Dib u Eegista Dastuurka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxa ay ka soo horjeesteen shirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ay qorsheysay inuu ka furmo magaalada Muqdisho maalinta Axada ee ku beegan 08-10-2017.

Guddoomiyaha Guddiga Dib U Eegista Baarlamaanka Soomaaliya  Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa War-murtiyeedka u aqriyay saxaafadda ayaa sheegay in shirkaasi uu yahay mid caqabad iyo dhibaato ku ah geedi  socodka dib u eegista Dastuurka,waxaana uu uga digay Maamul Gobolleedyada iyo Ururada Bulshada Rayidka ah in ay ka qeyb galaan shirkaas.

Dhinaca kale, Maamul goboleedyada ayaa  qaadacay inay ka qeybgalaan shirkan iyadoo khilaafka arrimaha dastuurka uu yahay mid ka dhex jira dowlada dhexe iyo maamul goboleedyada dalka Soomaaliya.

Halka ka aqriso  War-Murtiyeedka;

1 4

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

 

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *