Sawiro:-Warar Dheeraad Ah Oo Ka Soobaxaya Weerar Lagu Qaaday Hotel Safaari

Muqdisho | QOL | 14 October 2017 –Weerar Ismiidami ah iyo dagaal toos ah ayaa goor dhow waxaa lagu qaaday Hotelka Safaari ee magaalada Muqdisho, kaasi oo geystay khasaare kala duwan.

Ugu horreyn gaari laga soo buuxiyey walahaxa qarxa ayaa lagu weeraray Hoteelka banaankiisa, waxaana sidoo kale la sheegayaa iney xigeen dabley hubeyn oo halkaasi gudaha u galay.

Qaraxa ayaa saameeyay shacab badan oo ku dhowaa isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho, waxaana sidoo kale uu burbur xooggan u geystay xarumo ganacsi oo halkasi ka dhowaa.

Qaraxa xooggiisa ayaa laga maqlay inta badan magaalada Muqdisho, iyadoo marka uu dhacayeyna Zoobe ay ahayd mashquul aad u daran.

Khasaaraha guud ee qaraxan ka dhashay inta uu la egyahay illaa iyo hadda lama oga, welina waxaa la maqlayaa rasaas xooggan Oo Ka Dhax Dhacaysa Gudaha Hotelka .

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kaleSoco Qaranimo Online

b1 b2 b3 b4 b5 b6 b7

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *