Wasiirka Waxbarashada Oo la kulmay mas`uuliyiinta jaamacadaha G/Banaadir.

Muqdisho | QOL | January 09  2018 –Wasaarada Waxbarshada Dalka ayaa sii wada howlaheeda dar dargalinta ee Waxbarshada Dalka iyadoo maanta la kulantay Maamulyaashada Jaamacadaha gobolka Banaadir aqoon yahano iyo macalimiinta waxaana looga hadlayay kulankaa Tayeynta Tacliint sare ee dalka maadaama tirada Ardeyda dhigato jaamacaha laga dareemayo kobac aad u balaaran.

Wasiirka Waxbarshada Xukumada Soomaaliya C/raxmaan Daahir Cusmaan ayaa waxa uu sheegay in Wasaarada Waxbarshada ay ka go’antahay tayenta Waxbashada dalka loogana baahanyahay in Jaamacada ay sare u qaadaan Ardayada dhigata Dudsiyada ku yaala dalka

“Anaga wasaarada waxbarshada wey naga go’antahay in aan soo celino dalkaan waxbarshadiisa wey jiraan caqabado yar yar  balse markaan jaamacaadku waxaa laga rabaa in ay sare u qadaan tayeynta tacliinta dalka anaga diyaar ayaa ula nahay wax walbo”

Dhaamaan Mas`uuliyiintii kulan ka hadlay ayaa waxay isla qareen baahida loo qabo kor u qaadista iyo tayeynt waxbarashada dalka.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *