Maraykanka Oo Ku Baaqay In Dalka Iiraan Lagu Soo Rogo Cunaqabatayn Cusub

Muqdisho | QOL | April 29, 2018 – Mike Pompeo ayaa hadalkaasi ka sheegay dalka Sacuudiga oo uu haatan booqanayo, wuxuuna sheegay inuu Madaxda Sacuudiga kala tashanayo qorshahaasi.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka oo dhowr maalmood ka hor loo magacaabay Xilkaasi, waxaa la filayaa inuu maanta la kulmo Boqorka Sacuudiga, Salmaan Bin C/casiis iyo Dhaxal-sugaha, Maxamed Salmaan.

Dhinaca kale, Mike Pompeo waxaa la filayaa inuu booqasho ku tago Israel iyo Urdun, isago oMadaxda dalalkaasi kala hadli doona Xaalladihi iugu dambeeyey ee Bariga Dhexe iyo Khatarta Iiraan.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

Author: QOL Editor
Is the Editor-in-Chief who oversees the functionality and evaluates website performance, checks the publications and reviewing the content, such as articles, photographs, development strategies and style guidelines.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *