Dadka laga helay Cudurka Corona dalka Jarmalka oo kordhey

Mogadisho | QOL | April 6, 2020 –Dadka  uu asiibay Coronavirus ee ku nool Jarmalka ayaa aad u korortay 24-kii saac ee lasoo dhaafay, iyadaoo gaartay tiro ku dhaw 4,000 oo qof.

 

Sida ay xaqiijisay Wasaaradda Caaafimaadka dalkaas tirada kiisaska ayaa ah Saacadihii lasoo dhaafay 3,677 oo ruux, iyadoo tirada guud ka dhigeysay dalka oo dhan 95,391 qof.

 

 

 

Waa tiro ka hooseysa tii shalay laga diiwaan gaaliyey Jarmalka, sida laga soo xigtay xogta machadka Robert Koch ee cudurada faafa.

 

Tirada kiisaska cusub ayaa ahayd shalay 5,936 oo qof. Iyadoo dhinaca kale Tirada dhimashada ay kor u kacdey waxaana ay gaartay ilaa 1,434 qof.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *