Ciidamo ka hortaga waxyaabaha qarxa oo tababar loo soo xirey

Mogadisho | QOL | April 7, 2020 –Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan Ciidamada ilaalada Madaxtooyada Puntland oo muddo 2 Bilood ah uu tababar ku saabsan miino baarista uu uga socday Rugta ciidamada Madaxtooyada ee Garoowe.

 

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa bogaadiyey Ciidamada loo tababaray Miino Baarista, wuxuuna sheegay in ay muhiimad gaar ah u leedahay in la helay Ciidamo u tababaran ka hortagga walxaha qarxa.

 

 

 

Ugu dambeyn Madaxweyne ku-xigeen Axmed Karaash kula dardaarmay Ciidamada la tababaray in ay noqdaan kuwo sida ay tahay u guta waajibaadka saaran.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *