Mogadisho | QOL | May 13 2020–Wasaaradda Batroolka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday inay bilowday tartanka bixinta liisanka balookyada Shidaalka laga baarayo.Soomaaliya.
Wasiir ku-xigeenka Wasaradda batroolka Maxamuud Cabdiqaadir Hilaal ayaa ku qoray bartiisa twitter-ka in maanta la bilaabay tartankaasi, isla markaana uu saamayn doono 7 balook oo ku kala yaal Galmudug, Hir-Shabeelle, Koonfur Galbeed iyo Jubaland.
Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Batroolka Soomaaliya Cabdi Rashiid Maxamed Axmed ayaa sheegay in ay soo bandhigayaan xermooyinkii shdidaalka ee horay loo baaray laga soo bilaabo 2014 ilaa 2015 haatanaa ay bilaawdeen Shaqada 7 Xirmo oo kamid ah kuwii horay loo baaray.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in waqti dhow markii shirkadaha ay ku qancaan heshiiska ay la gaareen ay suurtagal noqoneyso inay u soo tartamaan inay Shidaal ka baaraan Soomaaliya.
Ugu dambeyn Wasiirka Batroolka waxaa uu sheegay in tartanka Shirkadaha baaraya shidaalka la furi doono 4 Bisha Agoosto ee sanadkaan kuna egyahay Bisha Maarso sanadka 2020 shirkadii ku guuleysatana ay dowladda Soomaaliya la geli doono heshiis wax soo saar wadaag ah.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
________________________________________________
