Diyaarad gaar ah oo Muqdisho ka qaadeysa 160 qof

Mogadisho | QOL | May 14  2020–Diyaarad gaar ah ayaa maanta garoonka diyaaradaha ee Aadan-Cadde ka qaadeysa 160 qof oo ku xayirmey magaalada kadib markii la joojiyey inta badanduulamaadyadii dunida, sababo la xiriira xanuunka Coronavirus.

Dadkan ayaa ah Soomaali heysta dhalashada dalalka Mareykanka, Canada iyo Britain, sida ila xog-ogaal ah ay Warbaahinta u sheegeen.

Safaarada Mareykanka oo iyadu markii hore diyaarisey duulimaadkan ayaa dooneysey in ay muwaadiniinteeda ku keento dalkan Mareykanka.

Diyaarada Ethiopian Airlines ayaa galabta ka duuli doonta Muqdisho waxaana ay dadkan geyn doontaa magaalada Addis Ababa oo ay ka dibna ka soo qaadan doonaan duulimaadyo tagaya magaalooyinka Washington DC, London iyo Toronto.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_______________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *