Baarlamaanka Puntland oo loo qeybiyay Ajando halis ku ah Guddoomiyaha Baarlamaanka

Mogadisho | QOL | May 17 2020–Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad goboleedka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, ayaa xalay Xildhibaannada Baarlamaanka Maamulkaas waxaa uu la wadaagay Ajandihii uu xilka ku waayey Guddoomiyihii hore ee Cabdi Xakiin Dhoobo-daareed.

Kal-fadhiga Baarlamaanka Puntland ayaa la shaaciyay in uu furmayo bartamaha Bisha June,iyada oo ajandihiisa uu kamid yahay la-xisaabtanka xukuumadda iyo Dib-u-eegista heshiishyadii hore qodobadaas oo halis ku noqon kara guddoomiyaha.

Qodobada ugu waweyn ee Ajanaha Kal-fadhiga Baarlamaanka Puntland ayaa waxaa kamid ah.

1:Soo gudbinta wixii heshiisyo ah oo ay gashay Xukuumadda Puntland.

2: la xisaabtanka Xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.

3: dhameystirka iyo ansixinta Maxkamadda Dastuuriga ah.

4: Ansixinta mas’uuliyiinta u baahan xasaanad siinta Golaha Wakiilada.

5: Dhaqangelinta qodobadii kasoo baxay Shirkii wadatashiga Puntland.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *