Maamulka Galmudug Wacad ku maray inaan khaadka la gayn karin deegaannada ay ka socdaan dagaallada ka dhanka ah Al-Shabaab

`Khamiis: January 26, 2023 

Maamulka Galmudug ayaa khaadka ka mamnuucay in la geeyo deegaannada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al -Shabaab ee maamulkaas.

Maamulka Galmudug wuxuu uga digay ganacsatada isla markaana ay la wareegi doonaa gaadiidkii halkaas khaadka geeya.

“Wasaaradda waxay ogeysiineysaa dhinacyada ganacsatada, gaadidleyda iyo cid walba ee ku howlan geynta deegaannada iyo degmooyinka ay ka socdaan howlgallada dib u xoreynta Galmudug , sida Xarardheere, Ceeldheer, Galcad iyo deegaanmada kale.

Sidoo kale arintaan ayaa waxaa loo aanaynayaa kadib markii Ciidamada habeenkii ay qayilaan oo ay dhafraan Subixii markii ay jiiftaan shabaab ay ku soo dheelmadaan.

Office Nairobi Kenya