Khamiis: January 26, 2023
Kumannaan taageerayaasha mucaaradka ah ayaa isugu soo baxay bartamaha magaalada Johnnessburg si ay uga dibadbaxaan koronto xumida ka taagan guud ahaan waddanka Koonfur Afrika.
Dad badan oo kor u lulaya boorar waa wayn oo ay ku qoran yihiin ‘xaaladdan waan ka daalnay’ ayaa waxa ay ku sii qulqulayaan xarunta dhexe ee xisbiga haya talada dalkaasi ee ANC.
Xisbiga mucaaradka ah ee Democratic Alliance ayaa dhibaatada waxa uu ku eedeeyay xisbigaasi ANC, iyagoo ku tilmaamay in xisbigaas uu la degay musuq maasuq iyo maamul xumo.
Barasaabka gobolka Western Cape, Alan Winde, oo ku biiray dadka dibadbaxayay ee ku sugan taallada madaxweynihii hore ee dalkaasi Nelson Mandela, ayaa sheegay in haddii uu maanta noolaan lahaa madaxweynihii ugu horreeyay ee madow ah ee ay Koonfurka Afrika yeelato, kaas oo hogaamin jiray ANC – waa Nelson Mandela, inuu taageeri lahaa dibadbaxyada ay dhigayaan.
Office Nairobi Kenya
