Senator Cabdi Qeybdiid iyo Xildhibaan C/salaan Dhamancad oo si diiran loogu soo dhaweeyay Magaalada wisil

 

Sabti: January 28 2023

Xildhibaano JFS ayaa maanta lagu dhaweeyay Magaalada Wisil ee koonfurta Gobolka mudug

Senator Cabdi Xasan Cawalae Qeybdiid iyo Xildhibaan C/salaan Dhamancad oo ka tirsan golayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Magaalada wisil waxaa kusoo dhaweeyay Saraakiisha Ciidamada xoogga iyo Daraawiishta Galmudug

Safarkaan Xildhibaanadu ku yimaadeen Magaalada wisil ee koonfurta Gobolka mudug ayaa salka ku haysa inay door weyn ka qaataan Dagaalka Khawaarijta Al Shabaab looga saarayo Deegaanada Galmudug ee Gobolada mudug iyo Galgaduud ee galmudug

Xildhibaan ayaa sidoo kale waday Gaadiid Ciidan oo loogu Talogalay xoojinta Amniga iyo Dagaalka Ciidamada xoogga iyo Daraawiishta Galmudug ka wadaan koonfurta Gobolka.

Office Nairobi Kenya