Dowladda Canada oo magacawday ergay u qaabilsan la dagaallanka Islaam naceybka Muslimiinta kula kulmaan dalkaas.

Axad: January 29, 2023

Dowladda Canada, ayaa magacawday ergay u qaabilsan la dagaallanka Islaam naceybka iyo fuquuqa ay bulshooyinka Muslimiinta ah kula kulmaan dalkaas.

Amira Elghawaby, oo gabar weriye ah isla markaana u ololeysa xuquuqda aadanaha, ayaa loo magacaabay xilkaas.

Haweeneydani, ayaa dowladda Canada kala talin doonta arrimaha khuseeya Muslimiinta iyo dhibaatooyinka ay la kulmaan.

Sanadkii 2021-kii, shacabka Canada, ayaa ka argagaxay weerar uu nin gaari waday ku qaaday qoys Muslimiin ah, isagoo gaariga jiirsiiyay afar kamid ah, isla markaana dhaawacay wiil 9 jir ah.

Office Nairobi Kenya