Ra’iisul Wasaaraha XFS oo hambalyo u diray Madaxweynaha la doortay ee Puntland

Muqdisho – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa hambalyo u diray, Mudane Saciid Cabdullaahi Dani oo ku guulaystay markale doorashada Madaxweynaha Puntland.

“Waxaan u hambalyeynaa Walaalkay Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni oo maanta mar kale dib loogu doortay Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Puntland. Waxaan u rajeynayaa Madaxweyne Deni inuu Alle u fududeeyo gudashada waajibaadka culus ee loo doortay. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha XFS.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa intaas ku daray “Sidoo kale waxaan boggaadinayaa dhammaan dhinacyadii ka qeyb qaatay in doorashadu ku qabsoonto si nabdoon iyo dadaalkii ay geliyeen sidii loo sii adkeyn lahaa midnimada iyo wadajirka shacabka Puntland, taasi oo muhiim u ah horumarka dowlad dhiska Soomaaliya”.

Author: QOL Editor
Is the Editor-in-Chief who oversees the functionality and evaluates website performance, checks the publications and reviewing the content, such as articles, photographs, development strategies and style guidelines.