Somaliland oo beenisay in markab shidaal u siday Berbera ay weerareen Xuutiyiinta

HARGEYSA — Maareeyaha Guud ee Kaydka Haamaha Shidaalka Somaliland ee Berbera Axmed Ibraahim Cabdi ayaa beeniyey warar sheegaya in markab shidaal u siday haamaha Berbera ay waxyeelo ka soo gaartay weerar ay Xuutiyiintu ku qaadeen markabkaasi oo marayey Badda Cas.

Maareeyaha ayaa xusay in markabku uu u socday Singapore kana soo shiraacday dalka Ruushka. Khadar Maxmed Cakule ayaa khadka taleefanka Berbera ku waraystay maareeyaha, waxa uuna wax ka weydiiyay arrintan.

.

Author: QOL Editor
Is the Editor-in-Chief who oversees the functionality and evaluates website performance, checks the publications and reviewing the content, such as articles, photographs, development strategies and style guidelines.