Suudaan oo ku biiraysa Dowladaha ku jira maxkamadda dambiyada caalamiga ah ee ICC

Arbaco: August 4, 2021

Golaha wasiirada Suudaan ayaa si wadajir ah ugu codeeyay hindise sharciyeed u horseedayo dalkan in uu ku biiro maxkamadda dambiyada caalamiga ah ee ICC, sida uu bartiisa Twitter-ka soo dhigay Ra’iisul Wasaare Cabdalla Xamdok.

“Caddaallada iyo isla xisaabtanka waa arrimaha lafdhabarka u ah Suudaanta cusub taas oo ay ka go’antahay xaqiijinta sharciga” ayuu yiri Xamdok.

Waxay tallaabadan u horseedeysa in Suudaan ay maxkamadda ICC ku wareejiso dadka looga shakisan yahay in gobolka Daarfuur ay ka geysteen dambiyo dagaal iyo xasuuq , dadkaasna waxaa kamid ah madaxweynihii hore ee Suudaan, Cumar Al Bashiir.

Office Nairobi Kenya