Sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Nigeria oo la afduubtay

isniin: August 9, 2021

 

Sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Nigeria ayaa la afduubtay, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay maamulka gobolka dhaca bartamaha ee Niger.

Maxamed Sani Idris- oo ah madaxa warfaafinta gobolka Niger ayaa saaka dabley hubeysan ka qafaalatay gurigiisa.

Laamaha amniga ayaa lagu soo warramayaa inay bilaabeen howlgal ay ku baadigoobayaan sarkaal la afduubtay.

Dhawaan ayay aheyd markii waaliddiinta dhalay guddoomiyaha baarlamaanka gobolka Zamfara ee Nigeria la afduubtay.

Office  Nairobi Kenya