Xarunta Baarlamaanka Galmudug ee dhuusamareeb oo ka socota doorashada Xildhibaannada Aqalka sare

Khamiis: August 12, 2021

Wararka ka imaanaya Xarunta Baarlamaanka Galmudug ee Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in goor dhawayd ay bilaabatay  doorashada Xildhibaannada Aqalka sare qeyb kamid ah kuwa Maamulka Galmudug ku matalaya Aqalka Sare.

Goobta doorashada ayaa waxaa laga akhriyay habraaca doorashada, waxaana la sheegay in codeynta doorashada Aqalka sare ay tahay qarsoodi, kursi kastana ay ku tartamayaan laba xubnood, isla markaana hadii qof uu tanaasulo ay codeyntu noqon doonta gacan tag.

Shalay ayaa Guddiga Baarlamaanka Galmudug u qaabilsan doorashada Aqalka sare habraac ay soo saareen waxaa kujiray in hadii qof uu tanaasulo ay codeyntu noqon doonto qarsoodi taas oo walaac laga muujiyay.

Sidoo kale Qodobka ugu culus ee habraacii Shalay lasoo saaray ayaa ah in aan cod gacan taag ah loogu codeyn musharaxii loo tanaasulo balse uu ka raadsado xildhibaanada cod kalsooni ah.

Office Nairobi Kenya