Asad Shariif oo ka tirsanaa Al-shabaab isku soo dhiibay Ciidanka dowladda degmada Awdheegle

Jimco: August 13, 202

Asad Shariif Abuukar, oo ka tirsanaa Al-shabaab ayaa isku soo dhiibay Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellada hoose.

Saraakiisha ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa warbaahinta u soo bandhigay ninkanka oo sida ay sheegeen ka soo goostay Al-shabaab.

Saraakiishu faahfaahin kama bixin sida uu ku soo goostay ninkan iyo jagada uu ka hayay Al-shabaab midna.

Office Nairobi Kenya