Wasiirka gaashaandhigga oo ku soo baxay doorashadii aqalka sare.


Axad: August 15, 2021

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in  Wasiirka wasaaradda gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya, Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji uu kusoo baxay doorasho lagu qabtay magaalada Baydhabo, isaga oo ku guuleystay kursi ka mid ah xubaha Golaha Aqalka Sare .

Xasan Xuseen Xaaji ayaa la tartamay musharrax Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi oo uu kaga adkaaday doorasho ka dhacday gudaha magaalada Baydhabo.

Sidoo kale Wasiirka gaashaandhigga ayaa helay 74 cod, halka musharraxii la tartamayey uu isna helay 14 cod, sida uu shaaciyey guddoonka golaha wakiilada ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Office Nairobi Kenya