Haweenka ka shaqeeya Tv-yada Afghanistan oo shaqooyinkii dib uggu noqdey

Talaado: August 17, 2021

 Haweenka ka shaqeeya Tv-yada dalka Afghanistan, ayaa shaqooyinkii dib uggu noqdey, ka gadaal markii talada dalkani, ay si buuxda ula wareegeen ururkaTaliban.

Tv-ga la yiraahdo Tolo, ayaa dib u hawl galey, iyadoo haweenka ka shaqeeyana ay hawlahoodda u wataan sidii caadiga aheyd.

Tv-ga ayaa si ku meel gaar ah hawada loogga saarey, markii uu is badalku dhacey.

Tv-ga Tolo News, ayaa intaa ku darey in baahintoodii ay sidii caadiga aheyd u shaqeyn doonto haatan wixii ka danbeeya.

Waxaa jirta su’aalo la is weeydiinayo, kuwaasoo ah sida ay noqon doonto xuquuqda haweenka, marka la eego ku hoos noolaanshaha xukunka Taliban.

Office Nairobi Kenya