Dowladda Imaaraadka oo ku dhawaaqday in ay magangelyo siisay Ashraf Ghani

.

Khamiis” August 19, 2021

 Dowladda Imaaraatiga Carbeed, ayaa magangelyo siisay madaxweynihii baxsaday ee waddanka Afghanistan, Ashraf Ghani.

War kooban oo ka soo baxay wasaaradda Arrimaha dibadda dowladda Imaaraadka Carabta, ayaa lagu sheegay in magan-gelinta Ashraf Ghani ay la xiriirto arrimo banii’aadanimo.

Madaxweyne Ghani, ayaa todobaadkan ka cararay dalkiisa, kadib markii ay caasimadda Kabul la wareegeen ururka Taliban.

Wuxuu sheegay in uu dalka uga baxay, si looga taxaddaro in aan qalalaase ka dhicin waddanka islamarkaana looga baaqsado dhiig daata.

Office Nairobi Kenya