Muqdisho oo lagu qabtay munaasabad xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga.

Jimco: August 20, 2021

Magaalada Muqdisho ayaa  lagu qabtay munaasabad ballaaran oo lagu xusay toban sana guuradii ka soo wareegatay dib u noolaynta xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga.

Munaasabaddan waxa ka qayb-galay qaar ka mid ah Madaxda dalka ugu saraysa iyo masuuliyiin ka socda safaaradda Turkiga iyo xubno kale.

Soomaaliya iyo Turkiga ayaa xiriirkoodii Taariikhiga ahaa dib usoo celiyay July 2011-kii, markii uu Muqdisho soo gaaray Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, oo markaa ahaa Ra’iisul wasaare.

Xilligaas oo ay gacmaha ka laabatay Soomaaliya ayaa waxaa guud ahaan dalka ka taagnaa abaaro ba’an iyo macaluul galaafatay nolosha dad iyo duunyo fara badan, wuxuuna mudane Erdogan soo gaarsiiyay dalka sahay gargaar oo kala duwan.

Office Nairobi Kenya