Goobihii ganacsiga ee Degmada afgooye oo saakay Xiran iyo Maleeshiyaad lagu arkayo wadooyinka


Axad : August 22, 2021

Wararka ka imaanaya manta  degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegaya in inta badan ay xiran yihiin maanta goobaha ganacsiga ee degmadaas.

Sababta ka dambeysa in goobaha ganacsiga u xiran yihiin ayaa lagu sheegay kadib markii hareeraha wadooyinka lagu arkay maleeshiyo hubeysan, kuwaas oo ka careysan  burburin la sheegay in la doonayo in lagu sameeyo guryo ku yaala Xaafada waanjeel ee Waaxda 21 Octoober ee Degmada Afgooye.

Sidoo kale Dadka shacabkaa ee ku nool degmada Afgooye iyo deegaanada hoosyimaada waxaa soo wajahday cabsi.

Office Nairobi kenya