Shirweynaha urur siyaasadeedka Runta iyo Caddaaladda Puntland oo ka furmay Garoowe


Talaado: August 24, 2021

Shirweynaha labaad ee urur siyaasadeedka Runta iyo Caddaaladda ee Puntland (RUNCAD) oo shalay  ka furmay caasimadda Garoowe.

Shirka waxa ka qayb-galaya hoggaanka RUNCAD, ergooyin ka tirsan ururka oo isaga yimid dhammaan Gobollada iyo degmooyinka Puntland iyo taageerayaashiisa kala duwan.

Guddoomiyaha urur siyaasadeedka RUNCAD Cismaan Maxamed Faarax (Gammuure) oo shirka Furay ayaa sheegay in Shirka loo qabtay ka tashiga arrimaha ururka Runta iyo Caddaaladda.

Sidoo kale, ajandaha labaad ee shirka ayuu ku sheegay soo dhowaynta xubno ka soo baxay urur siyaasadeedka Mideeye oo ku soo biiray ururka Runta iyo Caddaaladda

Office Nairobi Kenya