Arbaco: August 25, 202
Ururka Al-shabaab ayaa soo bandhigtay gaadiid dagaal iyo saanad hub ah oo ay sheegeen inay ku qabsadeen weerarkii arroornimadii shalay ku qaadeen Saldhig Ciidanka Xoogga iyo kuwa daraawiishta Galmudug ay ku leeyihiin Magaalada Camaara ee gobolka Mudug.
Al-shabaab ayaa sheegtay in weerarka ay ku qabsadeen 18 gaari oo ay ku jiraan gaadiid nooca xamuulka iyo kuwo casri ah oo ay wateen ilaalada gaarka ah ee Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmad Cabdi Kaariye Qoor-Qoor iyo saanado ciidan oo taalay Saldhiga Ciidamada.
Sidoo kale Waxay tilmaameyn in dagaalkii ka dhacay Magaalada Camaara ee Mudug ku dileen 35 Askari oo ka tirsanaa Ciidamada, kadib weerar ku bilowday qarax Is-miidaamin oo ay ku qaadeen halkaas.
Saraakiisha Ciidamada dowladda Federaalka qeybta 21-aad iyo kuwa Galmudug ayaa gelinkii hore ee shalay sheegay inay iska difaaceen weerarkii ugu yimid dhinaca Al-shabaab, isla markaana ay ka dileen in ka badan 60 xubnood.




Office Nairobi Kenya
