Qoor Qoor oo kulan la qaatay madaxa Hay’adda Qaramada Midoobay Qaxootiga ee UNHC.

Khamiis: August 26, 2021

Madaxweynaha dowlad gobaleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa Muqdisho kulan kula qaatay madaxa Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Qaxootiga ee UNHC.

Kulanka ayaa ahaa kii u horreeyay ee dhexmara madaxweyne Qoor Qoor iyo madaxa Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Qaxootiga ee UNHC Mr. Magatte Guisse oo dhawaan loo soo magacaabay Soomaaliya.

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta wadashaqeynta UNHRC iyo dowlad gobaleedka Galmudug iyo sidii loo dardar gelin lahaa Xafiiska Hay’adda ay dhawaan ku yeelan doonto magaalada Dhusamareeb.

Office Nairobi Kenya