Tirada dadka xanuunka COVID-19 ugu dhimanaya magaaladda Gaarisa oo gaaray 100 qof

Jimco August 27, 2021

Tirada dadka xanuunka COVID-19 ugu dhimanaya magaaladda Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa si weyn u korortey, waxaana jirta tiro dad ah oo uu dhintay xanuunkan 24-kii saac ee lasoo dhaafay.

Tirada dhimashada ayaa saraakiisha gobolka ay ku sheegeen inay gaartay 100, iyadoo Wasaaradda Caafimaadkuna ay walaac ka muujisay.

Sidoo kale arintan ayaa ku soo aadaysa Xili Dalka kenya uu maalmihii la soo dhaafay aad ugu soo badanayay xanuunka COVID-19

Office Nairobi Kenya