Dowladda Jabuuti oo bilad gudoonsiisay Barkhad Jaamac oo ah xildhibaan ka tirsan golaha wakiilada Somaliland


Talaado: August 31, 2021

Dowladda Jabuuti ayaa bilad gudoonsiisay Barkhad Jaamac Batuun oo ah xildhibaan ka tirsan golaha wakiilada Jamhuuriyadda Iskeed ugu Dhawaaqday Madax-banaanida ee Somaliland.

“Billadan waxa aan u hibbeyn doona shacabka sharafta badan ee Reer Somaliland ee aan huwanahay karaamadooda, Codkooda, iyo Calankooda. Waxa aanan u guddoonsiin doona qofka qaranka ugu mudan Insha Allah.” Ayuu yiri qoraal uu bartiisa Facebook soo dhigay.

Barkhad Jaamac Batuun ayaa isla safarkiisa kula kulmay madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismail Omer Gelle oo ku qaabilay Qasriga Madaxtooyadda Jabuuti.

BBC

Office Naikrobi kenya