Wasiirka Gaashaandhigga oo ka qeybgalay kulan ku saabsanaa mustaqbalka howlgalka Midowga Afrika ee Somaliya


Arbaco: September 1, 2021

Wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Senator Xasan Xuseen Xaaji, ayaa ka qeybgalay kulan fogaan arag ah ee AU PSC, oo ku saabsanaa mustaqbalka howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya waxii ka dambeeya Sanadka 2021-ka.

Kulanka waxa lagu bogaadiyay bayaankii wadajir ahaa ee dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Afrika ee ku saleysana 19-kii bishii Agoosto 2021 Muqdisho.

Wasiirka Gaashaandhigga  ayaa soo jeediyey in laga gudbo warbixintii qiimeynta madaxa bannaan ee AU-da ee dhawaan ay DFS diiday.

Waxa uu adkeeyey in goluhu ay ahmiyadda siiyaan rabitanka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo shacabkeeda marka ay go’aaminayaan arrimaha ku saabsan amniga iyo nabad galyadda dalka Soomaaliya.

Office Nairobi Kenya