Salman Khan iyo Katrina Kaif oo shalay la kulmay wasiirkadhaqanka iyo dalxiiska dalka Turkiga.

Sabti: September 4, 2021

Jilayaasha, Salman Khan iyo Katrina Kaif, ayaa Jimcihii la kulmay Mehmet Nuri Ersoy, oo ah wasiirka wasaaradda dhaqanka iyo dalxiiska ee dalka Turkiga.

Wasiirka ayaa bartiisa Instagram ku soo qoray, “Waxaan la kulmay jilayaasha caanka ah ee Bollywood -ka, Salman Khan iyo Katrina Kaif, oo dalkeenna u jooga mashaariicdooda cusub. Turkigu wuxuu sii wadi doonaa martigelinta mashaariic badan oo caalami ah. “

Sawirada uu baahiyay ayaa lagu arkayay iyaga oo wada qadaynaya xilli ay jilayaasha soo gabagabeeyeeen duubista Filimka Tiger 3 oo ay halkaas duubistiisa ka socotay.

Office Nairobi Kenya