Marwada Koowaad ee Soomaaliya, oo Muqdisho kula shirtay qaar ka mid ah haweenka musharaxiinta ah

Khamiis: September 9, 2021

Marwada Koowaad ee Soomaaliya, ahna xaaska Madaxweyne Farmaajo, Saynab Cabdi Macallin ayaa Muqdisho kula shirtay qaar ka mid ah haweenka musharaxiinta ah ee u tartamaya kuraasta Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Waxay Marwo Saynab dhiiragelisay “muhiimadda ay leedahay in si wadajir ah loo xaqiijiyo qoondada Haweenka ee ka qeybgalka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,” sidaas waxaa lagu qoray warsaxaafadeed lagu daabacay SNTV.

“Haweenka Soomaaliyeed waxa ay ku tilmaaman yihiin hoggaan wanaag, nabad, waddaniyad iyo hal-abuur, waxaanna tusaale wanaagsan u ah kaalinta ay ku leeyihiin samata-bixinta bulshada,” ayaa lagu yiri qoraalka, iyadoo la soo xiganayay Marwo Saynab.

Office Nairobi kenya