Madaxweynaha Puntland oo ku wajahan degaanka Garacad ee Gobolka Mudug

Jimco: September 10, 2021

 Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni  oo haatan ku sugan Gaalkacyo, ayaa maanta oo Jimce ah ku wajahan degaanka Garacad ee Gobolka Mudug.

Madaxweyne Deni, ayaa sida qorshaysan kormeer ku samayn doona dhismaha dekedda Garacad oo meel wanaagsan maraya.

Sidoo kale, waxa la filaya in uu kulamo kala duwan la qaadan doono mas’uuliyiinta dowladda iyo bulshada degaanka Garacad.

Office Nairobi Kenya