Booliiska Mudug oo gacanta ku dhigay shabakadihii ugu weynaa ee Khamriga keeni jiray Puntland

Axad: September 12, 2021

Booliiska Gobolka Mudug ee Puntland, ayaa gacanta ku dhigay laba kamid ah shabakadihii ugu weynaa ee Khamriga keeni jiray gudaha Puntland.

Saraakiisha Booliiska Gobolka Mudug, ayaa u xaqiijiyay saxaafada in maalmihii la soo dhaafay gacanta lagu dhigay labada shabakadood oo in mudda ah lagu raad-joogay.

Shabakadda kowaad ayaa lagu qabtay degmada Jarriiban, halka shabakadda labaad lagu qabtay degmada Galdogob.

Sidoo kale Booliiska ayaa sheegay in dhammaan xubnihii shabakadahan iyo gaadiidkii ay ku hawl-geli jireen gacanta lagu hayo, islamarkaana dhowaan sharciga la marin doono.

Office Nairobi Kenya