Gabar Soomaali ah oo noqotay gabdhii ugu horeysay oo Afrikaan ah ka mid Noqotay baarlamanka Norway

Talaado: September 14, 2021

Wararka ka imaanaya Dalka Norway ayaa sheegaya in Gabar Soomaaliyeed ay noqotay qofkii ugu horeeyey ee Afrikaan ah ee loo doorto xildhibaan ka tirsan baarlamanka dalka Norway.

Haweenaydaas oo la yidhaa Marayn Cabdi Xuseen ayaa sheegtay in ay siyaasadda u gashay duruufo haysta bulshada ay ka dhalatay iyo guud ahaan, waxayna sheegtay in ay rumaysan tahay in ay wax ka qaban karto hadii ay haatan ku guulaysatay in ay ka mid noqoto baarlamaanka.

Sidoo kale ku nuuxnuuxsatay in dadka codkooda siiyey aanay Soomaali oo keliya ahayn ee shacabku ku midaysnaayeen. Gaar ahaan dadka Madowga ah iyo dadka qaxootiga ku ah dalkaasi Norway

Office Nairobi Kenya