Hirshabeelle oo doortay Xasan Iidow oo Noqonaya Xildhibaankii 6 ee lagu doorto Jowhar.


isniin: September 20, 2021

 Baarlamaanka Hirshabeelle oo  doortay Xasan Iidow Muxumad (Koboc) oo maamulkaasi ku matali doona Aqalka Sare ee BFS.

Xasan Koboc ayaa waxa uu helay codad gaaraya 69 cod, halka uu musharaxii la tartamayay Cabdinuur Ibraahim uu helay codad gaaraya 22 cod.

Senator Xassan Iidow Muxumad (Koboc) ayaa noqonaya Senatarkii 6-aad ee lagu doorto magaalada Jowhar intii ay socotay Doorashada Aqalka sare ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya.

Office Nairobi Kenya