Barakac saakay ka socdo magaalada Guriceel iyo dhaq dhaqaaqyo Ciidan oo socda.

Axad: October 3, 2021

Wararka ka imaanaya saakay  gobolka Galgaduud gaar ahaan magaalada Guriceel ayaa sheegaya in saakay uu halkaas ka bilaawday barakac xoogan.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada  Ahlu Sunna Waljamaaca ay halkaas ka Qoteen dhufeesyo, taasi oo shacabka Guriceel cabsi xoogan sii galisay keentayna in ay ka qaxaan aagaas saakay aroor hore.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa bilaabay inay isaga barakacaan guryahooda, iyaga oo cabsi ka qabo in dagaal uu ka dhaco Guriceel, maadaama laga dareemayo dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo u dhexeeya Ahlu Sunna iyo Galmudug.

Sidoo kale Xaaladda guud ayaa marka la eego yare deggan, hayeeshee labada dhinac ayaa wada baabul xoogan iyo dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo.

Office Nairobi Kenya