Ciidamada Somaliland oo Hargeysa ka bilawday in ay qabqabtaan dadka Ethiopian ah ee ku nool halkaas


Arbaco: October 6, 2021

Wararka ka imaanaya magaalada Hargaysa ayaa sheegaya in Ciidamada Somaliland oo ay manta  Hargeysa ka bilaabeen in ay qabqabtaan dadka Ethiopian ah ee ku nool halkaas.

Warar hor dhac ah ayaa sheegaya in raafkaan uu saakay aroor hore ka bilaawday magaalada hargysa, waxaana raafkaan wada Ciidamo la soo dhoobay wadooyinka Hargaysa.

Sidoo kale dadka Itobiyanka ah ee u  badan Oromada, ayaa magaalada hargaysa, waxay ku hayeen dhibaato iskugu jira Tuugsi, dhaqan Xumo, iyo in ay jiiftaan Wadooyinka Hargaysa.

Office Nairobi kenya