Guddiga Doorashooyinka Heer federal oo markii ugu horeysay saakay ku Wajahan magaalada B/weyne


Axad: October 10, 2021

Wararka ka imaanaya Magaalada Beledweyne ee Gobolka hiiraan ayaa sheegaya in ay halkaas ku sii jeedaan Markii ugu horeysay Guddiga Doorashooyinka Heer federal.

Wararka ayaa sheegaya in Gudigaan uu hoggaaminayo Maxamed Xasan Cirro oo Guddoomiye u ah Guddiga.waana markii ugu horeysay oo ay gaaraan Gudigaan B/weyne.


sidoo kale Wararka ayaa sheegaya in Xubnaha Guddiga doorashooyinka ay kulamo wadatashi ah la qaadan doonaan Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan iyo Odayaasha Dhaqanka.

Office Nairobi Kenya