Somaliland oo sheegtay in musaafurin doonto dadka kasoo jeeda Koonfurta Soomaaliya ee ku sugan gobolka Saaxil.



Khamiis: October 14, 2021

 Usbuucyo ka hor ayay ahayd markii maamulka  Somaliland uu xoog uga baxshay dadkii ka soo jeeday Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya ee ku suganaa magaalada laas caanood, waxayna mar kale sheegeen in ay Masaafurin doonaan dad ka soo jeeda Deegaanadaas ee ku sugan GobolkaSaaxil.

Sida uu sheegay Badhasaabka gobolka Saaxil, Dr Axmed Maxamed Xaashi ayaa shaaciyey inay bilaabeen tirakoobka dadka Koonfurta, islamarkaana ay deegaanada gobolka ka saari doonaana, sida uu sheegay.

“Anaga waxa noo socda diiwaan-gelinta, inta ay doonaan ha noqdaane waa in marka hore tiradooda la ogaado waxaana u qaban doona waqti, waxaa kala mid noqoneyna dalka Somaliland,” ayuu yiri Badhasaabka gobolka Saaxil.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Ajaanib kasta oo ku sugan gobolka Saaxil, gaar ahaan magaalada Berbera ay ka saari doonaan, maadama ay laanta socdaalka Somaliland ay soo saartay in deegaanada Somaliland laga saaro dadkaas.

Office Nairobi Kenya