Janaraalka hogaamiya dowladda milateriga Myanmar oo laga reebay shir goboleed

Sabti: October 16, 2021

Janaraalka awoodda Myanmar la wareegay bishii Febraayo ayaa waxaa laga rebeay shirka ay dabayaaqada bishan yeelanayaan hogaamiyayaasha Koonfur Bari Aasiya.

Dowladda Milateriga ee Myanmar ayaa go’aankaasi waxa ay eedaysay inuu ku yimid faragelin shisheeye.

Waxa ay sheegeen in Mareykanka iyo Midowga Yurub ay cadaadis ku saareen urur goboleedka ASEAN in aanay casuumin Janaraal Min Aung Hlaing.

Urur goboleedka ASEAN ayaa sheegay in milateriga Burma uusan wax badan ka qaban qaska dalkaasi ka taagan.

Ururkaasi badanaa ma faragashto arrimaha gudaha ee dalalka xubnaha ka ah

BBC

Office Nairobi Kenya