Kooxda Liverpool oo safar ku tagtay waddanka Spain oo ay kula soo ciyaarayso caawa Atletico Madrid

.


Talaado: October 19, 2021

  Liverpool ayaa safar ku tagtay waddanka Spain oo ay kula soo ciyaarayso Atletico Madrid  oo ahayd kooxdii ka reebtay tartanka Champions League xilli ciyaareedkii 2019-20.

Labadan kooxood ayaa ku wada jira Group B, waxaana hoggaaminaysa Liverpool oolabadii ciyaarood ee ay dheeshay guulo waaweyn soo hoysay, haysatana lix dhibcood, halka Atletico ay afar dhibcood ka soo xoogsatay AC Milan iyo FC Porto.

Kooxda garoonkeeda lagu ciyaarayo ee Atletico waxay ciyaartii hore guul cidhiidhi ah ka gaadhay AC Milan oo daqiiqaddii ugu dambaysay ay ka dhalisay ay saddexda dhibcood ku heleen, laakiin Liverpool oo u tagtay FC Porto ayaa xasuuq 5-1 ah soo geysatay.

Office Nairobi Kenya