Madaxweyne Laftagareen oo maamul cusub u magacaabay gobolka Shabeellaha hoose.

 


Talaado: October 19, 2021

  Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa xilka ka qaaday gudoomiyihii gobolka Shabeellaha Hoose Cabdiqaadir Nuur Siidii, waxa uuna xilkaasi u magacaabay Maxamed Cabdiraxiin Nuur

Madaxweyne Laftagareen, ayaa sidoo kale xilka ka qaaday gudoomiye ku xigeenka amniga siyaasada gobolka Shabeellaha hoose Cabdikariin Axmed Afarsheegle waxa uuna xilkaasi u magacaabay Axmed Cumar.

Xil ka qaadistaan ayaa rumaysanyahay in ay daba socoto khilaaf ka dhashay dhismaha golaha deegaanka magaaladda Baraawe ee xurunta Dowlad-goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya.

Guddoomiyihii Gobolka Shabeellaha Hoose Cabduqaadir Maxamed Nuur Sidii ayaa waxaa xilkaas loo magacaabay 16-kii Bishii Noverber ee sanadkii 2020, waxaana uu xilka haayay muddo 11 Bilood ah, isaga oo bedelay Guddoomiyihii ka horreeyay ee Ibraahim Aadan Cali Najax.

Office Nairobi Kenya