Wasiirka Gaashaandhigga oo Xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda China u fadhiya Soomaaliya


Talaado: October 19, 2021

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Avv. Xasan Xuseen Xaaji ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda China u fadhiya Soomaaliya FEI Yengchao.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay Xoojinta Xiriirka laba-geesoodka ah ee labada Dowladood iyo sidii loo dar dargelin lahaa mashaariicda horumarineed ee dowladda China ka waddo Soomaaliya.

Sidoo kale Wasiirka ayaa kala hadlay Safiirka sidii Ciidamada Soomaaliya ay taageero uga heli lahaayeen Dowladda China oo ka mid ah Dowladaha ugu awooda badan Caalamka marka la eego dhaqaale iyo Ciidan ahaan.

Office Nairobi Kenya